Waxaa la qiyaasayaa haraadiga walxaha qarxa ee ka soo harey dagaaladii, oo uu ku jiro hubka aan weli qarxin, ayaa weli yaalaa daafaha dalka, oo ay Kujirto Muqdisho, taas oo khatar gelinaysa bulshada. Hubka aan weli qarxin iyo Haraadiga Walxa qarxa waxaa kamid ah bamka aan qarxin, hoobiyeyaasha, gantaalada iyo walxaha kale aan weli qarxin ee ka soo harey dagaaladii islamarkaasina yaali karaa dhulka iyagoo aan la arkayn. Waxaa sidoo kale la qiyaasayaa dhibaneyaasha ugu badan ee haraadiga walxaha qarxa ee adduunko dhan ay yihiin rayidka uguna badan caruurta.
Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed (SPF) Qaybtiisa ka hortagga Walxaha Qarxa (EOD) ayaa ka shaqeya helida, karta-u-dejinta, iyo burburinta hubka aan weli qarxin iyo haraadiga walxaha qaraxa isla markaana ilaaliya bulshada ku nool dalka oo dhan. Taliyaha Qeybta ka hortagga walxaha qarxa ee Booliska Soomaaliyeed, Gaashaanle Asad Cabdalla Saciid, wuxuu sheegay in ujeedada ugu weyn isaga iyo kooxdiisa ay tahay in la dhiso kooxo boolis ah oo ka shaqeya ka hortagga walxaha qarxa oo iskaashina la yeelan karaa saaxibada kale ee ka shaqeeya arrimahan si loo helo deegaan amni oo ay ku noolaadan dadka Soomaaliyeed, ugana nabadgalaan khataraha qaraxyada. Laakiin taliyuhu wuxuu sheegay ilaa iyo hadda inaysan haysan qalab sax ah oo ay ku wadaagaan macluumaadka ay helaan.
“Marka wax naloo soo sheego, booliiska degmada ayaa aaga sii xiraya ka dibna kooxda ka hortagga qaraxyada ee booliska ayaa shaqadooda qabsadaan. Waxaan isku daynaa inaan aruurinno caddeynta iyo xogta, ka dibna waxaan ku wareejinaa saaxiibadayada ka shaqeya Waaxda Dambi Baarista. Laakiin howsheeni waxay noqon kartaa mid gaabis ah oo ay sabab u tahay qalab la’aanta jirta awgeed, inta badan ma soo heli karno caddeymaha loo wada baahanyahay,’’ ayuu yiri.
La-Talisada Arrimaha Boliiska Daniela Miteva waxay la shaqeeysaa Howlgalka Awoodda Dhiska Midawga Yurub ee Soomaaliya (EUCAP Somalia), waxayna taageertaa tayaynta Kooxda ka hortagga Qaraxyadaa ee booliska Soomaaliyeed, sidoo kale waxay taageertaa Hogaanka Xiriirka Calaamiga (INTERPOL-ka) ee ku dhexyaal Taliska Booliska Soomaaliyeed. Waxay sheegtay beesha caalamku inay howlo badan qabatay oo ay ku taageereyso booliiska Soomaaliyeed gaar ahaan sidii uu u ciribtiri lahaa Hubka aan qarxin iyo haraadiga walxaha qarxa.
“UNMAS (Hay’adda Ka hortagga Miinooyinka ee Qaramada Midoobay) iyo ururro kaleba waxay gudaha Soomaaliya ka qabteen shaqo aad u wanaagsan iyagoo bixinaya tababar takhasusi ah isla markaana gacan ka geystey nadiifinta meelo badan oo kamid ah gudaha Muqdisho. Mareykanku wuxuu sidoo kale bixiyay qalab gaar ah oo looga hortago (qaraxyada), sido kale waxaan bogaadinayaa kooxda ka hortagga qaraxyada ee Booliska oo hadda shaqadooda si amaan ah oo hufan u qabsan kara.’’
Waxay tiri Kooxda ka hortagga Qaraxyada ee booliska waxay codsadeen isku-duwid dheeri ah si ay shaqadooda u qabsadaan. ‘’Iyadoo ka jawaabaysa Codsiga booliska Soomaaliyeed, EUCAP Somalia waxay ka shaqeysey sidii loo hormarin lahaa macluumad isweydaarsiga ka dhaxeya Kooxda ka hortagga qaraxyada iyo Xafiiska Xiriirka Caalamiga (INTERPOLKA) iyo sidoo kale hay’adaha kale caalamiga, ee ka shaqeeya qiimaynta walxaha qarxa, iyo daba-galka shakhsiyaadka ku lugta leh soo-saarista aaladaha qaraxyada,” ayay tiri.
Iyada oo qayb ka ah taageerada Midowga Yurub, EUCAP waxay bixisay qalab sida kumbuyuutaro, alaabta xafiisyada, sidoo kale waxay si gaar ah u bixisay, taleefoono casri ah oo leh raadraaca GPS iyo khariidaynta.
“Talefanada casriga ah ee aan ku wareejinay koox kasta oo ka tirsan kooxda ka hortagga qarxyada ee Muqdisho waxay leeyihiin barnaamij isticmaalaya khariidad lagu helo hubka aan weli qarxin, sawirna ka qaadaya islamarkaana macluumaadkaas la wadaagaya saaxibada kale. Waa fikrad iska fudud, laakiin aad u hufan oo fududeynaysa macluumaad uruurinta looga baahanyahay aagaga walxaha qarxa yaalaan ama si dhakhso ah loogu helayo hubka aanan qarxin,” ayay tiri Miteva.
“Aaladaan Waxay si dhakhso ah u hormarisey in lala-shaqeeyo saaxibada caalamiga ah iyo INTERPOL-ka, waxayna hadda wax ku soo kordhisey ilaalinta nabadgalyada bulshada, booliiska Soomaaliyeed ayaa waxay sidoo kale waxbadan ku soo kordhin karaan shaqada booliska ee caalamiga ee ka dhanka ah dambiyada abaabulan iyo argagixisada,” ayay tiri.
EUCAP Somalia waxay qayb ka tahay dadaalada Midowga Yurub ee lagu taageerayo wadamada saaxibadooda ah, lagana taageerayo maareynta dhibaatooyinka, ka hortagga colaadaha iyo wax-ka-qabashada amniga, sida ay dhigayso siyaasada amniga iyo difaaca Midowga Yurub ee loo yaqaan (CSDP). Maadama ay tahay hawlgal kamid Hawlgalada CSDP, EUCAP waxay taageero la-talineed oo dhanka sarraynta sharciga, horumarinta booliska, iyo amniga badda ah siisa mas’uuliyiinta Soomaaliyeed.