Berito, oo ah Maalinta Haweenka ee Dunida, waxaan u dabaaldegeynaa guulaha ay ka gaareen haweenka shaqooyinka kala duwan ee ay hayaan. Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa haweenka Soomaaliyeed ee saamaynta weyn ku leh bulshada dhexdeeda iyo kuwa ka shaqeeya fulinta sharciyada rayidka ee badaha.
Sidoo kale, waxaan qireynaa inay jiraan wax badan oo innoo harsan, dhinaca amniga badda kahor inta aynaan guran miraha buuxa ee fursadaha sinnaanta jinsiga, dumarka iyo ragaba. Nabadgelyada badda waxay muhiim u tahay Soomaaliya inay gaarto barwaaqo dhaqaale, oo ay haweenka Soomaaliyeed uga qeybqaataan amniga iyo dhaqaalaha si wax-ku’ool ah. Xoojinta haweenka heer walba waxaa uu lagama-maarmaan u yahay sare u qaadista tayo-nololeedka dumarka, raga, wiilasha, gabdhaha, iyo bulshada guud ahaan.
Aniga oo u hambalyaynaya haweenka soomaaliyeed ee xirfadleyda iyo geesiyaasha ah, waxaan sidoo kale rabaa inaan u mahadceliyo dhammaan haweenka shisheeye ee EUCAP Somalia ku soo biirey si ay uga barbar shaqeeyaan ragga, iyo si ay u wanaajiyaan mustaqbalka haweenka, ragga, wiilasha iyo gabdhaha ee dalkan. Sinaanta ragga iyo dumarku waa mid ka mid ah qiyamka asaasiga ah ee Midowga Yurub. Waxaynu ogsoonnahay sinnaanta jinsigu inuu muhiim u yahay koritaanka dhaqaalaha iyo bulshadaba. Sidaa awgeed waxaan dhamaan usoo jeedinaya dhammaanteen, rag iyo dumarba in aynu maalintan haweenka ka dhigano maalinteenna.
Maria-Cristina Stepanescu
Madaxa Hawlgalka ee EUCAP Somalia
#WomensDAy #EU4Women