Soomaaliya, gabdho badan ayaan dhammeysan waxbarashada dugsiga sare maadaama hore loo guursado sababtoo ah qaybo badan oo bulshada ka mid ah ayaa u arka habluhu inay qiimo dheeraad ah ku kordhinayaan guryaha nimanka guursada.
Haseyeeshee, waxaa jira gabdho nasiib iyo dadaalkooda kaga gudbay dabinadan. Firdawza Hussein, oo ka soo jeeda Garoowe ayaa ka mid ah gabdhahaas.
Iyadoo dhiirri gelin ka heleysey hooyadeed, oo iyadu bartay waxbarashada iyo dedaalka ay go’aan kaga gaari karto aayatiinkeeda. Firdawza way qaadatay taladii, wayna dadaashay, waxayna xaqiijisay riyadeedii ahayd inay noqoto khabiirad dhanka maaliyadda ah.
“Markaan yaraa, hooyaday waxay i bartay in waxbarashada iyo dedaalka, ay fure u yihiin guusha. Tani waa sirtii ugu weyneyd ee aan barto,’’ ayey tiri Firdowza.
Iyadoo ah sarkaalad dhanka maaliyadda ah, Firdawza waxay sii waddaa inay dhiiri galiso haweenka kale iyadoo tusaale u ah. (Hadana) Iyadoo ah gabar waxbaratay, waxay wax ku biirisaa ajendayaasha horumarinta haweenka ee bulshada.
‘’Waxaan ka qeybgalaa doodaha haweenka deegaanka ee si siman loogu horumariyo fursadaha waxbarashada wiilasha iyo gabdhaha. Waxaan si iskay ah ula taliyaa haweenka, gaar ahaan kuwa iskaga haray waxbarashada dugsiyada, waxaana marwalba u sheega inay weli baran karaan xirfadaha lagu maareeyo nolosha sidaasna wax uga beddali karaan noloshooda,’’ ayey tiri Firdawza
Haatan Firdawza waxay u shaqaysaa EUCAP Somalia, markay xasuusato caqabadaha ay haween badani la kulmaan ayaa ku dhalisey inay door qiimo leh ka ciyaarto arrimaha horumarinta haweenka bulshada Soomaaliyeed.