EUCAP Somalia waxay u hambalyaynaysaa haweenka Soomaaliyeed
Maanta, oo ku beegan Maalinta Haweenka Dunida, waxaan u dabaaldegeynaa guulaha ay haweenka ka gaareen shaqooyinka kala duwan oo ay u hayaan bulshada. Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa haweenka Soomaaliyeed ee saamaynta weyn ku leh bulshada dhexdeeda iyo kuwa ka shaqeeya amniga dalka.
Sidoo kale, waxaan qireynaa inay jiraan wax badan oo inooga harsan, dhinaca amniga baddaha iyo Booliska, kahor inta aanan guran miraha buuxa ee fursadaha sinnaanta jinsiga ee rag iyo dumarba. Nabadgelyada baddaha waxay muhiim u tahay Soomaaliya inay gaarto barwaaqo dhaqaale, oo ay haweenka Soomaaliyeed uga qeybqaataan amniga iyo dhaqaalaha si wax-ku’ool ah. Awoodsiinta haweenka heer walba waxa ay lagama-maarmaan u tahay sare u qaadista tayo-nololeedka dumarka, ragga, wiilasha, gabdhaha, iyo bulshada oo dhan.
Aniga oo u hambalyaynaya haweenka soomaaliyeed ee xirfadleyda iyo geesiyaasha ah, waxaan sidoo kale rabaa inaan u mahadceliyo dhammaan haweenka ka socda dalalka shisheeye ee EUCAP ku soo biirey si ay uga barbar shaqeeyaan ragga, iyo si ay u wanaajiyaan mustaqbalka haweenka, ragga, wiilasha iyo gabdhaha ee dalkan. Sinaanta ragga iyo dumarku waa mid ka mid ah qiyamka asaasiga ah ee Midowga Yurub. Waxaynu ogsoonnahay isku-dheelitirka Jinsigu inuu muhiim u yahay koritaanka dhaqaalaha iyo bulshadaba. Sidaas awgeed waxaan dhamaan usoo jeedinaya, rag iyo dumarba in aynu maalintan haweenka ka dhigano maalinteenna.
Anssi Murto
Kusimaha Madaxa Hawlgalka ee EUCAP Somalia
EUCAP Somalia salutes Somali Women
Today, on International Women’s Day, we are celebrating women’s achievements from all walks of life. My appreciation goes to the remarkable, strong Somali women who have made an extraordinary impact in their communities and for the security of their country.
At the same time, we acknowledge that there is still a lot to do, also in the maritime security sector and policing before we can enjoy the abundant fruits of full gender equality, equal opportunities for all men and women. Empowering women at all levels is essential to improve the quality of life for women, men, girls and boys, their communities and society as a whole.
While congratulating brave and professional Somali women, I also want to thank all the international women who have joined EUCAP Somalia to work, side by side with men, for the better future of women, men, boys and girls in this country. Gender equality is one of the core values of the EU, and we know that gender balance is essential for economies and communities to thrive. That is why I urge all of us, men and women, to make this International Women’s Day OUR day.
Anssi Murto
EUCAP Somalia Acting Head of Mission