Maa’ida Cabdullaahi ayaa sheegtey in tan iyo yaraanteedii ay jecleyd iney ka mid noqoto Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. In kastoo dumarka qaarkiis marka ay arkaan qof dumara oo Boolis ah ay la yaaban. Hadana waxaa jira qaar kale oo ku farxa. ‘’qaar ka mida dumarku marka ay arkaan gabdho Boolis ah waxaa laga yaaaba inay is dhahaan, may guryahooda iska joogaan, maxaa soo waaley!’ laakin waxaa jiraa qaar nagu farxa marka ay na arkaan anagoo ku labisan dharka Booliska, waxaa u muuqanaysa inay suurtogal tahay in lagu biiri karo booliska, waxaan ku faraxsanahay iney taasi dhiirigelin u noqoto gabdhaha kale’’ ayay tiri.
Maa’ida waxay ka mid tahay 30 hablood oo loo tababaray inay kamid noqdaan Boolis gaar ah oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee loo yaqaan ‘’ Daraawiish’’. Waxay tababarka isla dhameyseteen 300 oo askari. Gabdhahaan iyo Wiilashaan ayaa loo tabbaray hawlgalada xeeladaysan sida kahortagga khataraha hubka, ka warqabka aagaga hawlgalada, Joojinta iyo barista baabuurta, iyo ka hortagga waxyaabaha qarxa. Ciidankan ayaa ka hawlgali doona meelaha ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo AMISOM ay ka xoreeyeen Al-Shabaab, waxayna ku biirayaan saaxiibadooda kale ee Daraawiishta ah oo horey ugu sugnaa goobahaas, islamarkaana xaqiijin doona in laga gudbo Joogista Militariga loona gudbo hirgelinta sharciga ee laga rabo Booliska.
Saraakiishan haweenka ahi waxay sheegeen inay ka go’antahay inay dalkooda difaacaan isla markaana ay yeeshaan xirfado la mid ah kuwa ragga ay wada shaqeeyaan ay leeyihiin, waxaa kaloo ay sheegeen in helitaanka fursadaha noocaan ah uu muhiim u tahay iyaga. Helitaanka tababarada noocan ah ayaa caadiyan waxaa u badan ragga, taasina waxay tusaale u tahay in dalka oo horey fursadaha ka qeybgalka haweenka Booliska ee fulinta sharciga iyo go’aan qaadashada u xadidnaayeen ay hada si tartiib-tartiib ah usoo hagaagayaan. iyadoo heerarka tacaddiyada ka dhanka ah haweenkana ay weli badan yihiin.
Hablo badan oo ku biira booliska waxay la micno tahay boolisku inay awood u yeeshaan kahortagga tacadiyada haweenka lagula kaco, iyo inay gaaraan bulshada inteeda kale. Gabdhahaan ayaa iyaguna qaba fikirka Maa’ida oo ahaa in ku biirista haweenka ee booliska ay tusaale u tahay haweenka kale.
Maa’ida waxaa kaloo ay aaminsantahay ku biirista haweenka inay booliska ka caawinayso la dagaalanka Al-Shabaab. ‘’ Al-Shabaab waxay adeegsadaan haween si ay u kala gudbiyaan hub iyo waxyaabaha qarxa. Anigana booliska waxaan ugu biirey si looga hortago arintaas, waana ku faraxsanahay go’ankeyga,’’ ayay tiri Maa’ida.
Sarkaalad kale oo magaceedu yahay Hodan Xasan, ayaa iyaduna sheegtay inay diyaar u tahay in la hawlgaliyo xiligay ahaataba, iyadoo og inay jiraan caqabado, hadana waxay dooneysaa inay maalin uun gaarto darajada ugu sareeysa ee ciidanka Booliska.
Waxaan dhammeeyey heerka labaad ee waxbarashadayda Jamacadeed hadafkeyguna wuxuu yahay inaan meel sare ka gaaro booliiska, oo aan difaaco dalkayga. Difaaca dalka ma ahan wax sahlan, laakiin waxaan diyaar u ahay oo aan awoodaa inaan ka shaqeeyo meel kasta oo la i geeyo, ”ayay tiri Hodan.
Ciidamada Darawiishta waxaa tababaro Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, AMISOM, iyo Ciidamo Talyaani ah, iyagoo taageero ka helaya Midowga Yurub iyo Qaraamada Midoobey. Dhinaca Midowga Yurub waxaa ka socday khubaro booliis ah oo ay soo dirty EUCAP Somalia iyo Ciidamo Militeri ah oo ka socda Howlgalka Tababbarka Milatariga ee Midowga Yurub (EUTM Somalia) kuwaas oo si wadajir ah u siiyay la talin xagga tababarka ah.
Hindisahan ayaa qeyb ka ah qorshe kala guur ah oo ay ku heshiiyeen Dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka sanadkii 2018, kaasoo qeexayey talaabooyinka amniga looga wareejinayo ciidamada AMISOM ee lagu wareejinayo ciidamada Soomaaliyeed, marka la gaaro 2021.