Dib-u-habaynta ku dhaqanka sharciga ee dalalka colaada kasoo kabanaya ayaa muhiim u ah xuquuqda aadanaha iyo dimuqraadiyada. Si taas loo gaaro, waxaa aad muhiim u ah ku dhaqanka sharicga inuu gaaro qeybaha kala duwan ee bulshada, sido kale isku xirka iyo xoojinta silsilada sharciga, laga bilaabo baaritaanka booliska ilaa maxkamadaha oo ay ku jirto xeer ilaalinta.
Tani waa sababta ay EUCAP Somalia u qaban-qaabisey tababar ku saabsan “Caqabadaha Cadaalad Marinta Dembiillaha” oo lagu qabtey Garowe, Caasimadda Maamul Goboleedka Puntland, tababarka ayaa la iskugu keenay khubaro ka kala socotay Silsilada Cadaalad Marinta Dembiilaha.
Hawshan waxay dhiirogelisey dood u dhaxeeysa ka soo qeybgalayaasha, iyadoo la abuurey fursad ay kasoo-qeybgalayaasha ku wadaagaan dhibaatooyinka jira, afkaar iyo talooyin sare u qaadi kara waxqabadka nidaamka cadaaladda.
Laba iyo toban qof, oo ay ku jiraan lix haween ah oo ka socda Booliska iyo Garsoorka ayaa qeyb ka noqdey tababarkan saddexda maalin socdey, 7-9 Maay, kaas oo la isku weydaarsadey caqabadaha ay la kulmaan dadka ka shaqeeya Cadaalad marinta dembiilayaasha. Dadka la tababaraayay, oo ka kala socday Waaxda Dembi Baarista, Xafiiska Xeer-Ilaalinta, Wasaaradda Cadaaladda iyo Maxkamadaha ayaa ka doodey meelaha loo baahan yahay in wax laga barto iyo sidii horey loogu socon lahaa.
Tababarkan wuxuu diirada saaray maadooyin ay kamid yihiin Sharciyada Caalamiga ee Bani-aadanimada iyo xiriirka ka dhaxeeya Sharciyada Caalamiga ee Bani-aadanimada iyo Xeerarka Caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha, Sharciga Caalamiga ee qaxootiga, sharciga caalamiga ee socdaalka, xeerarka barakacayaasha gudaha dalka, iyo muhiimada ay leedahay xog uruurinta nidaamsan iyo keydinta macluumaadka, ilaalinta markhaatiga iyo la dagaalanka musuqa si waafaqsan sharciga .
Tababareyaasha waxaa kamid ahaa, marka laga reebo la-taliyaha Silsilada Xeer-ilaalinta EUCAP, Alexandru Ionut, kaas oo diyaariyay tababarkan iyo Madaxa Xafiiska EUCAP ee Garowe, Cornelis Verhaeren, kaas oo usoo bandhigey dhageystayaasha mowduuca ilaalinta markhaatiga, la-taliyaha xuquuqda aadanaha ee UNSOM, la-taliyaha booliska ee UNSOM iyo khubaro kale Soomaali ah oo arrimahan ku xeeldheer.
Madaxa EUCAP Somalia, Maria-Cristina Stepanescu ayaa goob joog ka ahayd furitaanka tababarkan, iyadoo maalmahan dambe boqasho u joogtey Xafiiska EUCAP ee Garowe. “ Waxaan ku faraxsanahay in aan awood u yeesho kasoo qeybgalka tababarkan muhiimka ah islamarkaana aan u hambalyeeyo kasoo qeybgalayaasha sida ay uga soo jawaabeen casuumaadaan ka timaadey la-taliyaha silsilada xeer-ilaalinta, sido kalena ay u soo jeediyeen mowduucyada loo baahanyahay, waxaana rajeynayaa in aan sii wadno hawlaha noocaan ah”.
Mid kamid ah ka soo qeybgalayaasha ka socdey Wasaaradda Cadaaladda oo magaciisu yahay Cabdiweli , ayaa carabka ku dhuftey siday muhiim ugu ahayd in uu wax ka barto arrinta ku saabsan ilaalinta markhaatiga ee lagu soo bandhigey tababarka EUCAP Somalia, waxay tiri “ Xiligan ay sare u kaceen heerarka dembiyada Puntland. Wuxuu Cabdiweli dhiirogeliyay EUCAP inay qabanqaabiso tababarada noocaan ah maadaama uu u arkey inay faaiido weyn u leedahay shaqadiisa.
Dacwad ooge da’yar, Ayaan, ayaa ka dhawaajisey ka doodista faaiidada iyo khasaaraha ku saabsan cadaalada rasmiga ah iyo mida aan rasmiga ahayn iyo baahida loo qabo abuurista xayndaab sharci guud oo dhisaya kor uqaadida wada-shaqeynta booliska iyo xeer-ilaalinta in ay ka mid noqoto koorsada xigta.
“ Waxaan dhageeysaney dood dhexmartey kasoo qeybgalayaasha , oo madashan u isticmaaley inay fikradahooda si furan uga soo jeediyaan” waxaa yiri Cornelis Verhaeren, marka uu tababarka soo xirmey. Eryadiisa waxaa ku celiyay Alexandru Ionut, kaas oo raaciyay: “ Marka la eego haraadka loo qabo in aqoon la iska faaido , iyo siday uga go’antahay ku lug yeelashada wax-ka-bedelka nidaamka sharciga oo ay soo bandhigeen saaxibadeenu, way ifaraxad gelisaa in aan kamid ahaado EUCAP Somalia, sido kale waxayna igu dhiirogelineysaa inan sii wadno fulinta waajibaadka EUCAP.
Iyadoo kasoo qeybgalayaashu si xushmad leh ugu codsadeen EUCAP inay latimaado tababarada noocaan oo kale mustaqbalka dhow, hadana waxaa si cad u muuqata, tababarkan in laga gaarey ujeedadii laga lahaa ee ahayd in la isu keeno dadka ka shaqeeya silsilada Cadalad Marinta Dembiilaha.