Maamulka Badda Soomaaliya (oo Luuqada Ingiriiska loo soo gaabiyo SMA), oo ah waax ka tirsan Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, oo lagu aasaasay taageerada EUCAP Somalia sannadka 2019, ayaa u dabaaldegaya sannad -guuradii labaad.
Ujeedada loo aasaasay Maamulka Badda Soomaaliya ayaa ah hubinta in maraakiibta calanka Soomaaliya babinaysa ay badqabaan, deegaankana aysan wax dhib ah u geysan, caalamkana laga aqoonsanyahay, iyo sido kale in heerka badqabka iyo amniga maraakiibta shisheeye ee imaanaysa Dekedaha Soomaaliya ay gaarsiisan yihiin heer caalami ah, kuwa ka gudbaya biyaha Soomaaliyana ay waafaqsan yihiin Sharciga Caalamiga ah.
Munaasabadda awgeed, EUCAP Somalia waxay la kulantay wakiillada SMA si ay ula dabaal-degto horumarka labadii sano ee la soo dhaafay oo ay waaxdu gaartey, waxayna ka wada hadleen caqabadaha jira iyo sida loo xalin karayo.
Soomaaliya waxay leedahay xeebta ugu dheer ee qaaradda Afrika, aasaaska SMA waxay Soomaalida u suurtagelisey inay xil iska saaraan xakamaynta iyo la socodka wax ka dhacaya biyaha badda Soomaaliya”, ayuu yiri Agaasimaha SMA, Captain Xassan M Faarax.
In kasta oo ay jireen caqabado dhowr ah oo ay kala kulantey fulinta waajibaadkeeda, taas oo ay sabab u ahayd xasillooni-darrada siyaasadeed ee dalka ka jirtey iyo taageero la’aanta dhanka madaxada siyaasadda, hadana SMA iyadoo kaashanaysa EUCAP Somalia waxay sare uqaadey ka-warqabkeeda iyo awoodeeda ay wax-uga-qabaneyso isku-dubaridka hawlaha Raadinta iyo Samatabbixinta (SAR) iyada oo loo marayo Xarunta Badbaadinta iyo Iskuduwidda Dhibaatada Badda (MRCC). Intaa waxaa dheer, SMA iyo EUCAP Somalia waxay doonayaan inay sii horumariyaan ka-warqabka arrimaha badda iyada oo loo marayo diiwaangelinta maraakiibta Soomaaliya, taas oo muhiim u ah xaqiijinta maamulka badda iyo horumarinta dhaqaale-waara ee ka soo xarooda dhanka badda.
“SMA waxay kaabaysaa dhaqaalaha ka soo xaroodaa badda, oo ay ku jiraan kalluumeysiga, saliidda iyo dakhliyada kale ee badaha laga helo, shaqo u abuuridda dhallinyarada Soomaaliyeed, iyo In ay helaan nolol ka fogeyneysa burcad -badeednimada iyo argagaxisada”, ayuu carabka ku adkeeyay Agaasimaha SMA. Iyada oo qayb ka ah taageeradooda dhanka amniga badda iyo dhaqaalaha ka soo xarooda badda Soomaaliya, EUCAP Somalia waxay garab u ahayd SMA laga soo bilaabo wakhtigii la aasaasay, iyadoo ku deeqdey Xafiisyo kumeelgaar ah oo hadda ay waaxda isticmaasho, iyo qalab xafiseed kala duwan iyo la talin joogto ah. Caqabadaha kale ee haysta Maamulka Badda ayaa ah, sida uu sheegay Agaasimuhu, sameynta xiriiro goboleed iyo in la bilaabo la shaqaynta hay’adaha kale ee ka shaqeeya arrimaha badda.
EUCAP Somalia waxaa ka go’an inay SMA ka taageerto dadaalkooda mustaqbalka si ay u sii horumariyaan arrimaha dhanka badda ee Soomaaliya.
”Waan ku faraxsanahay inaan arko horumarka SMA ay samaysay. SMA waxay muwaadiniinta Soomaaliyeed u suurogelineysaa inay ogaadaan waxa sharciga ah iyo waxa aan sharci ahayn, ”ayuu yiri Madaxa EUCAP Christopher Reynolds.

Xafladda wareejinta xafiisyada ku meel-gaarka ah oo uu goob joog ka ahaa Madaxa EUCAP Christopher Reynolds
Halkan ka akhri macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan aasaaska Maamulka Badda Somaaliya ee 2019: https://www.eucap-som.eu/launch-of-the-somali-maritime-administration/